Puntland State of Somalia – Latest News




Latest News

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Qaar Ka Mid Ah Wasaaradaha Dowladda.

Garoowe, Ogoosto, 07, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Koormeer shaqo oo muhiimaddsii ahayd korjoogtaynta hannaanka shaqooyinku u socdaan ku tegay qaar kamida Wasaaradaha dowladda Puntland ee caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeerkan ku maray sadex Wasaaradood, iyadoona Wasaaraddahaasi ay ku sugnaayeen, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax, Wasiirka Arrimaha Gudaha, […]

By |August 7th, 2019|Latest News, Puntland News|Comments Off

Madaxweyne ku- xigeenka dowladda Puntland oo Garowe ka daah-furay Asbuuca Naas-nuujinta Adduunka.

Garoowe, Ogoosto, 07, 2019: Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magaalada Garoowe ka daahfuray Asbuuca Naas-nuujinta Adduunka, si wacyigalinta iyo faa’iidada Naas-nuujinta loo gaarsiiyo gobolada kala duwan ee Puntland.

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa barnaamijkan soo diyaarisay, waxaana Madaxweyne ku-xigeenka ku wehlinaayey Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax , masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda, […]

By |August 7th, 2019|Latest News, Puntland News|Comments Off

Madaxweyne Deni oo Daahfuray Bilawga Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland ee 4-aad 2020 -2024.

Garoowe, Ogoosto, 07, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daahfuray bilawga Qorshaha Horumarinta Puntland ee 4-aad sanadaha 2020 -2024. Madaxweynaha oo khudbad muhiim ah ka jeediyey Daahfurka Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland ayaa Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga caalamiga ah ku amaanay diyaarinta Qorshahani muhiim ka ah.

 

“Puntland waxaa lagu amaani karaa […]

By |August 7th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Deni oo caawa guriga uu Garoowe ka deganyahay ku booqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh

Garoowe: 29, Luulyo,2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa guriga uu Garoowe ka deganyahay ku booqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka […]

By |July 29th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Deni oo Shir Guddoomiyey Shirka Amniga Dowladda Puntland.

Garoowe, 28, Luulyo, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir guddoomiyey shirka Amniga Puntland. Shirkan oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Garoowe waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Waxaa kale oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey shirka Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta, Taliyaha Ciidamada Booliska, Taliyaha qeybta […]

By |July 29th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Shirka Golaha Xukuumadda Puntland oo qadobo laga soo saaray.

Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, uuna goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa todobaadkan looga hadlay Xeerka Isgaarsiinta, Dhul-daaqsimeedka, Barnaamijka Hal-abuurka Ganacsiga, Shirweynaha Maalgashiga  iyo Warbixino kale.

Dhul-daaqsimeedka:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Golaha faray in laga shaqeeyo joojinta Deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Puntland, si […]

By |July 18th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Dullimaadka Shirkadda Diyaaradaha Itoobiyaan Airline ee Puntland.

Garoowe, Luulyo, 15, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daahfuray duulimaadyada shirkadda caalamiga ah ee Itoobiyaan Airline.

Daahfurka duulimaadyada shirkaddaasi ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Ku-xigeenka Madaxa shirkadda Itoobiyaan Airline iyo masuuliyiin kale.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in daahfurka duulimaadyada […]

By |July 15th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Karaash iyo Wefti Balaadhan oo Uu Hogaaminayo oo Gaaray Garoowe.

Garoowe, Luulyo, 14, 2019: Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey caasimadda Puntland ee Garoowe. Soo dhoweynta weftiga Madaxweyne Karaash ayaa waxaa qayb ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin […]

By |July 14th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Dhagax Dhigay Xafiiska Dhallinyarada Karkaar.

Qardho, Luulyo, 14, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magaalada Qardho ka dhagax Dhigay xafiiska dhallinyarada gobolka Karkaar, kadibna Kormeeray Xerada ciidanka Xorgoble.

Dhagax dhigga xafiiska dhallinyarada ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey maamulka gobolka Karkaar, Kan degmada Qardho, Ku-simaha Guddoomiyaha dhallinyarada gobolkaasi iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Karaash ayaa tilmaamay in uu […]

By |July 14th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Karaash “Shaqooyinka Ka Socda Boosaaso Waa Kuwii Ay Xaqa U Lahayd”.

Boosaaso, Luulyo, 12, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku sugan xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa Kormeeray dhismaha wadada lamiga ah ee Biyo kule oo cabirkeedu dhan yahay 1km iyo 740m iyo dhismaha wadooyin yar yar oo laami ah, kuwaasi oo isku xidha wadooyinka waaweyn ee magaalada oo dhan 800m, […]

By |July 12th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off