Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Tababar Usoo Xidhay 250 Askari oo Ka Tirsan Ciidanka Birmadka.
Garoowe Sep, 22, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa tababar usoo xidhay 250 Askari oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada dowladda Puntland oo muddo 8-bilood ah uga socdey xerada 54-aad ee taliska ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.
Xidhitaanka tababarkani ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyaha […]
Hannaan lagu daah-furayey dib u habaynta Heerarka iyo Mushaarka shaqaalaha oo Garoowe lagu qabtay
Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha dawladda Puntland oo kaashanaysa Mashruuca Tayaynta hay’adaha dawladda Puntland ee CIP ayaa maanta soo bandhigtay hannaan cusub oo lagu daahfurayey dib u habaynta iyo iswaafajinta heerar iyo mushaharka shaqaalaha (Pay and Grading Launch Reform).
Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Golaha xukuumadda […]
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SOO XIDHAY SHIRKA MAALGASHIGA PUNTLAND.
Garoowe, Sep, 17, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xidhay shirka maalgashiga Puntland, Madaxweynuhu waxa uu ka jeediyey khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlay arrimaha maalgashiga, waxaa uu xusay in shacabka Puntland iyo Dowladdooduba sharaf u tahay in shirku kusoo dhammaaday sidii loo qorsheeyey.
“Runtii aad iyo aad bay Dowladda Puntland, shacab […]
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Oo Qayb galay Shirka dhaq-dhaqaaqa kor u qaadida nafaqada iyo ciribtirka Nafaqo darida Puntland.
Garoowe, Sep, 18, 2019: Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay shir looga hadlayay dhaq-dhaqaaqa kor u qaadida nafaqada iyo ciribtirka Nafaqo darida Puntland, kaasoo sadexdii bilood mar la qabto.
Shirkan waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay Wasiirada Wasaaradohoodu ay bah wadaagta la yihiin barnaamijkan iyo hay’addaha qaybta ka […]
Madaxweynaha Deni iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.
Garoowe: Sep, 11, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo oo labo todobaad safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa, gaar ahaan wadamada Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynaha waxaa soo dhoweeyey, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka, […]
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Bangiga Dhexe Ee Dowladda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska.
Garoowe Sep, 10, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeer shaqo ku tegey Bangiga Dhexe ee Dowladda ee caasimadda Garoowe iyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.
Kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa daaranaa korjoogtaynta sida ay u socoto shaqada muhiim ka ah ee ay hayaan xarumahaasi, Ku-simaha Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka […]
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Hay’adda Shaybaarka Sharciga ah ee Puntland “Puntland Forensic Science”.
Garoowe: Sep-09-2019 : Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray xarunta Hay’adda Shaybaarka Sharciga ah ee Dowladda Puntland “Puntland Forensic Science”.
Hay’adda Forensic Science ayaa ah xaruntii ugu horeysay ee nooceeda laga hirgeliyo Soomaaliya, Xaruntan ayaa iyadoo adeegsanaysa Cilmiga Sayniska baarta kiisaska sida danbiyada, Hidasidaha DNA , Raadadka […]
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Xarigga Ka Jaray Xafiiska Arrimaha Qunsuliyadaha Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFS.
Garoowe: Sep-09-2019: Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xarigga ka jaray Xafiis ay Garoowe ka furatay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xafiiskan oo arrimaha Qunsuliyadaha u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqadiisu noqonaysa fududeynta Dukumentiyada qaadashada Baasaboorka oo […]