Madaxweynaha Puntland oo Ambabixiyey Gurmad Puntland u dirtay Beledweyne .
Garoowe: 13 November 2019 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qeyb galay Xafladda Ambabixinta Gurmadka Puntland u dirtay dadweynaha magaaladda Beledweyne oo dhowaan ay waxyeelo kasoo gaartay fatahaaddii Webiga Shabeelle.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni waxaa xafladda lagu sagootiyey gurmadka loo diray Beledweyne, ku weheliyey xubno ka tirsan labada […]