Puntland State of Somalia – Latest News




Latest News

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda Jabuuti kusoo dhoweeyay, Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka gaadiidka Mudane Muuse Maxamed Axmed, Guddoomiyaha marsooyinka iyo aagga ganacsiga xorta ah Mudane […]

By |August 12th, 2020|Latest News, News, Puntland|Comments Off

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay kulankii kowaad ee rasmi ah ee Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Dhuusomareeb: 20 Luulyo 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay kulankii kowaad ee rasmi ah ee Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Kulankan ayaa dhexmaraya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, […]

By |July 20th, 2020|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni Oo La Kulmay Guddiga Dhismaha Dekkadda Garacad iyo Isimada Gobolka Mudug.

Gaalkacyo: 04 Luulyo 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo caawa ku qaabilay Isimada Gobolka Mudug iyo Guddiga dhismaha Dekadda Garacad oo Madaxweynaha warbixin ka siiyey dhismaha Dekadda Garacad.

Guddiga dhismaha Dekadda Garacad ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinta mashruuca dhismaha Dekadda Garacad oo ay ku baxayso $180 Milyan, waxay […]

By |July 4th, 2020|Latest News, Puntland|Comments Off

ISNIIN MAALINTA LA HADALKA DADWEYNAHA 01 June 2020 :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo caawa jeediyey hadaljeedintii saddexaad tan iyo markii uu bilaabay inuu bil walba isniinta u horeysa uu la hadlo Dadweynaha, ayaa caawa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan Puntland iyo Soomaaliyaba.

Madaxweynaha ayaa dadweynaha la wadaagay xaaladda amniga guud ee Puntland, dadaalada amni ee la sameeyay wixii ka danbeeyay qaraxii gaalkacayo, […]

By |June 1st, 2020|Latest News, Puntland|Comments Off

Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Oo Xilka La wareegay:

Garoowe: 01 June 2020 : Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Munaasibadda oo ku dhacday hab- maqal iyo muuqaal ah waxaa ka qeybgalay Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Timacadde, Af-hayeenka Madaxtooyada Jaamac Dabaraani iyo dhammaan Agaasime […]

By |June 1st, 2020|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni Oo Hambalyo Uu Diray Ciidanka Xoogga Dalka Munaasabadda 12-April.

Garoowe: 12, April, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ahna Guddoomiyaha Guddiga Wacyigelinta iyo Ka hortagga Coronvirus, ayaa caawa ka hadlay dadaalka dowladdu ku bixinayso ka hortagga Covid-19 iyo doorka looga baahanyahay shacabka oo ah u hoggaansanka awaamiirta looga hortagayo cudurkan, sida bandowga , yareynta isu imaatinka bulsho, xirista goobaha la isugu yimaado […]

By |April 12th, 2020|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray Hotel Martisoor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray Hotel Martisoor, oo ah Hotel Casri ah oo laga hirgeliyay Caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey Ganacsatada Hotel kan Casriga ah Hirgalisay, waxaana uu ku dhiirigeliyay dhammaan Ganacsatada in kor loo qaado maalgashiga dalka.

 

Xarig jarka kadib, wuxuu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi […]

By |March 11th, 2020|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweynaha Dowladda Puntland Oo Daah-Furay  Ololaha Talaalka Iyo Daaweynta Xoolaha Puntland.

 

Garoowe: 01, March, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daah-furay Ololaha Talaalka iyo Daaweynta Xoolaha Puntland, kaasoo la gaarsiin doono 5 Milyan oo kamid ah xoolaha kunool  9 gobol ee Puntland
Xoolaha ayaa laga tallaalayaa cudurka ku dhaca Sambabka Ariga waxaana uu soconaya muddo laba bilood ah.

 

Munaasabadda daah-furka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka […]

By |March 1st, 2020|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Deni Oo Daah-furay Carwada Ganacsiga Puntland.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaaladda Boosaaso ka Daah-furay Carwada Ganacsiga Puntland, Carwadan oo ah tii labaad ee nooceeda lagu qabto Puntland waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Rugta Ganacsiga Puntland.

 

Daah-furka Carwada waxaa kasoo Qayb galay Masuuliyiinta Labada Golle ee Dowladda, Maamulka Gobolka Bari, Kan Degmada Boosaaso, Ganacsato, […]

By |February 17th, 2020|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Africom Gen. Stephen J.Townsend.

Boosaaso: 13, February, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Africom Gen. Stephen J.Townsend iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku yimi Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Taliyaha Taliska Africom Gen. Stephen J.Townsend waxay ka wada hadleen Amaanka Guud iyo la Dagaalanka Argagixisada,iyo […]

By |February 13th, 2020|Latest News, Puntland|Comments Off