Puntland State of Somalia – Abdi-Aziz Geelle




x.warfaafinta

About Abdi-Aziz Geelle

This author has not yet filled in any details.
So far Abdi-Aziz Geelle has created 92 blog entries.

Madaxweyne Deni oo Daahfuray Bilawga Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland ee 4-aad 2020 -2024.

Garoowe, Ogoosto, 07, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daahfuray bilawga Qorshaha Horumarinta Puntland ee 4-aad sanadaha 2020 -2024. Madaxweynaha oo khudbad muhiim ah ka jeediyey Daahfurka Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland ayaa Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga caalamiga ah ku amaanay diyaarinta Qorshahani muhiim ka ah.

 

“Puntland waxaa lagu amaani karaa […]

By |August 7th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Deni oo caawa guriga uu Garoowe ka deganyahay ku booqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh

Garoowe: 29, Luulyo,2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa guriga uu Garoowe ka deganyahay ku booqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka […]

By |July 29th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Deni oo Shir Guddoomiyey Shirka Amniga Dowladda Puntland.

Garoowe, 28, Luulyo, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir guddoomiyey shirka Amniga Puntland. Shirkan oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Garoowe waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Waxaa kale oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey shirka Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta, Taliyaha Ciidamada Booliska, Taliyaha qeybta […]

By |July 29th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Dullimaadka Shirkadda Diyaaradaha Itoobiyaan Airline ee Puntland.

Garoowe, Luulyo, 15, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daahfuray duulimaadyada shirkadda caalamiga ah ee Itoobiyaan Airline.

Daahfurka duulimaadyada shirkaddaasi ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Ku-xigeenka Madaxa shirkadda Itoobiyaan Airline iyo masuuliyiin kale.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in daahfurka duulimaadyada […]

By |July 15th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Karaash iyo Wefti Balaadhan oo Uu Hogaaminayo oo Gaaray Garoowe.

Garoowe, Luulyo, 14, 2019: Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey caasimadda Puntland ee Garoowe. Soo dhoweynta weftiga Madaxweyne Karaash ayaa waxaa qayb ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin […]

By |July 14th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Dhagax Dhigay Xafiiska Dhallinyarada Karkaar.

Qardho, Luulyo, 14, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magaalada Qardho ka dhagax Dhigay xafiiska dhallinyarada gobolka Karkaar, kadibna Kormeeray Xerada ciidanka Xorgoble.

Dhagax dhigga xafiiska dhallinyarada ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey maamulka gobolka Karkaar, Kan degmada Qardho, Ku-simaha Guddoomiyaha dhallinyarada gobolkaasi iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Karaash ayaa tilmaamay in uu […]

By |July 14th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Deni oo Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Midow-ga Europe ee Soomaaliya:

Garoowe: 10, Luulyo, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Ergayga Midowga Europe uu dhowaan usoo magacaabay Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka midyihiin ku xigeenkiisa Fulgencio Garrido Ruiz oo hada xafiiska baneenaya iyo Masuuliyiin kale.

[…]

By |July 10th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Deni oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 35 ee 8da Luulyo 2019, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo Waaya aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Siciid Faarax Maxamuud (Yare) loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta […]

By |July 8th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Deni oo magacaabay Hanti-dhowrka Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 41 ee 8da Luulyo 2019, ku magacaabay Hanti-dhowrka Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Horumarinta Hanaanka Maamul ee
Maaliyadda iyo Isla xisaabtanka

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Faarax loo magacaabay […]

By |July 8th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweynaha Puntland oo ka Qayb Galay Xuska Maalinta Qaran ee 01 Luulyo.

Garoowe, Luulyo, 01, 2019, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe kaga qeyb galay munaasabadda xuska 1-da Luulyo maalinta xorriyadda gobolada Koonfureed iyo midowga gobolada Waqooyi iyo Koonfur ee dalka.

Xuska maalintani Qaran waxaa Madaxweynaha Ku weheliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed iyo Ku-xigeenadiisa, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha […]

By |July 1st, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off