Puntland State of Somalia – Abdi-Aziz Geelle




x.warfaafinta

About Abdi-Aziz Geelle

This author has not yet filled in any details.
So far Abdi-Aziz Geelle has created 92 blog entries.

( Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowaldda Puntland oo La Dhaariyey )

 

Garoowe, Ogoosto, 21, 2019: Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarinta Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowladda Puntland Maxamed Rooble Cabdi oo Maxkamadda Sare ee Puntland ay ku dhaarisay Xarunta Madaxtooyada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhaarta ka dib ku booriyey Wasiiru dowlaha inuu si wanaagsan uga soo baxo shaqada […]

By |August 21st, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-64, Ogoosto 20, 2019 ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Maxamed Rooble Cabdi loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, […]

By |August 20th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Guddiga Kumeel-gaar ka ah ee Doorashooyinka Puntland oo Lagu Dhaariyey Qasriga Madaxtooyada Garoowe.

By |August 19th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo shir Guddoomiyey Shirka Maamul Daadejinta iyo Dowladdaha Hoose JPLG.

Garoowe, Ogoosta, 17, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir Guddoomiyey shirka Maamul Daadajinta Dowladdaha Hoose ee JPLG.

Shirkaan oo ka dhacay xafiiska Madaxwayne Ku-xigeenka, isla markaana sadexdii biloodba mar la qabto waxaa ku wehelinaayey Wasiirada Wasaaradaha fuliya mashruuca maamul daadejinta iyo dawladaha hoose JPLG iyo Xafiiska hormuudka arrimaha maamul daadejinta […]

By |August 17th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Guddiga Ku-meelgaarka Ah Ee Doorashooyinka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 58, Ogoosto, 17, 2019 ku magacaabay Guddiga ku-meelgaar ka ah ee Doorshooyinka Dowladda Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa koowaad ee Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda.

Markuu arky: Qoraalka Sumaddiisu tahay
XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna […]

By |August 17th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweynaha Puntland “”Waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo waxnaga dhexeeyaan nabad, dib u heshiisiin iyo gar-naqsi xaqiiqa ah”.

Garoowe, Ogoosto, 17, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay bandhigga buugga Diwaanka Nabadda Soomaaliyeed
(Hore, Hadda iyo Hadhaw ) oo ay qortay aqoonyahanad Deeqa Jaamac Col-u-joog, waxa ay qoraysey muddo ku siman 35 sano, waxaana lagu soo bandhigay xarunta
Hay’adda Cilmi Baarista’PDRC’.

 

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad muhiim ah […]

By |August 17th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Deni ” Haddii 75% Puntland dhallinyaro yihiin, masuuliyadda nasaaran 75% waa dhaalinyarada”

Garoowe, Ogoosto 14, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhallinyarada Puntland
kala qayb galay Xuska Maalinta Caalamiga Ah ee Dhallinyarada. Munaasibadda lagu xusayey maalintani ayaa waxaa soo qabanqaabiyey
Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, waxaana kasoo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda,
Kooxda fanka ee Mahuraan, Abwaaniin, dhallinyaro iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Deni ayaa khudbad […]

By |August 14th, 2019|Latest News|Comments Off

Dowladda Puntland waxay u hambalyaynaysaa Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Labaad ee Jubbaland.

By |August 13th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Qaar Ka Mid Ah Wasaaradaha Dowladda.

Garoowe, Ogoosto, 07, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Koormeer shaqo oo muhiimaddsii ahayd korjoogtaynta hannaanka shaqooyinku u socdaan ku tegay qaar kamida Wasaaradaha dowladda Puntland ee caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeerkan ku maray sadex Wasaaradood, iyadoona Wasaaraddahaasi ay ku sugnaayeen, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax, Wasiirka Arrimaha Gudaha, […]

By |August 7th, 2019|Latest News, Puntland News|Comments Off

Madaxweyne ku- xigeenka dowladda Puntland oo Garowe ka daah-furay Asbuuca Naas-nuujinta Adduunka.

Garoowe, Ogoosto, 07, 2019: Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magaalada Garoowe ka daahfuray Asbuuca Naas-nuujinta Adduunka, si wacyigalinta iyo faa’iidada Naas-nuujinta loo gaarsiiyo gobolada kala duwan ee Puntland.

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa barnaamijkan soo diyaarisay, waxaana Madaxweyne ku-xigeenka ku wehlinaayey Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax , masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda, […]

By |August 7th, 2019|Latest News, Puntland News|Comments Off