Puntland State of Somalia – Abdi-Aziz Geelle




x.warfaafinta

About Abdi-Aziz Geelle

This author has not yet filled in any details.
So far Abdi-Aziz Geelle has created 92 blog entries.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SOO XIDHAY SHIRKA MAALGASHIGA PUNTLAND.

Garoowe, Sep, 17, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xidhay shirka maalgashiga Puntland, Madaxweynuhu waxa uu ka jeediyey khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlay arrimaha maalgashiga, waxaa uu xusay in shacabka Puntland iyo Dowladdooduba sharaf u tahay in shirku kusoo dhammaaday sidii loo qorsheeyey.

“Runtii aad iyo aad bay Dowladda Puntland, shacab […]

By |September 18th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Oo Qayb galay Shirka dhaq-dhaqaaqa kor u qaadida nafaqada iyo ciribtirka Nafaqo darida Puntland.

Garoowe, Sep, 18, 2019: Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay shir looga hadlayay dhaq-dhaqaaqa kor u qaadida nafaqada iyo ciribtirka Nafaqo darida Puntland, kaasoo sadexdii bilood mar la qabto.

Shirkan waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay Wasiirada Wasaaradohoodu ay bah wadaagta la yihiin barnaamijkan iyo hay’addaha qaybta ka […]

By |September 18th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweynaha Deni iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.

Garoowe: Sep, 11, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo oo labo todobaad safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa, gaar ahaan wadamada Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha waxaa soo dhoweeyey, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka, […]

By |September 12th, 2019|Latest News, Puntland News|Comments Off

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Bangiga Dhexe Ee Dowladda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska.

Garoowe Sep, 10, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeer shaqo ku tegey Bangiga Dhexe ee Dowladda ee caasimadda Garoowe iyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa daaranaa korjoogtaynta sida ay u socoto shaqada muhiim ka ah ee ay hayaan xarumahaasi, Ku-simaha Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka […]

By |September 10th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Hay’adda Shaybaarka Sharciga ah ee Puntland “Puntland Forensic Science”.

Garoowe: Sep-09-2019 : Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray xarunta Hay’adda Shaybaarka Sharciga ah ee Dowladda Puntland “Puntland Forensic Science”.
Hay’adda Forensic Science ayaa ah xaruntii ugu horeysay ee nooceeda laga hirgeliyo Soomaaliya, Xaruntan ayaa iyadoo adeegsanaysa Cilmiga Sayniska baarta kiisaska sida danbiyada, Hidasidaha DNA , Raadadka […]

By |September 9th, 2019|Latest News|Comments Off

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Xarigga Ka Jaray Xafiiska Arrimaha Qunsuliyadaha Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFS.

Garoowe: Sep-09-2019: Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xarigga ka jaray Xafiis ay Garoowe ka furatay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiskan oo arrimaha Qunsuliyadaha u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqadiisu noqonaysa fududeynta Dukumentiyada qaadashada Baasaboorka oo […]

By |September 9th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Dhallinyarada Ee Tilmaame

Garoowe, September, 04, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xarigga ka jaray xarunta dhalinyarada iyo Cilmi baadhista ee Tilmaame, taas oo laga hirgaliyay dhismaheeda magaalada Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, Saraakiil ka socda Hay’adda UNFPA iyo Wakiil ka socda Dowladda Fiiland ayaa […]

By |September 4th, 2019|Latest News, Puntland, Puntland News, Somali news|Comments Off

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo daah-furay Ololaha Daaweynta Xoolaha Puntland.

Garoowe, ogoosto, 31, 2019: ku simaha Madaxweynaha dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Ololaha Taageeridda Daaweynta Xoolaha Puntland, kaasoo la siin doono 3 Malyan oo kamid ah xoolaha ku dhaqan 9 gobol ee Puntland.

Munaasabadda daah-furka waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinyay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dowladda Puntland Siciid […]

By |August 31st, 2019|Puntland, Puntland News|Comments Off

Madaxweynaha Puntland oo Safar Shaqo ugu ambabaxay Dalka Dibaddiisa.

Garoowe, ogoosto, 26, 2019: Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa, gaar agaan dalka Itoobiya oo uu ku hormarayo.

Garoonka diyaaraha Gen. Maxamed Ashir ee magaalada Garoowe waxaa kusii sagootiyey Madaxweynaha iyo weftigiisa Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Saraakiil Ciidan, […]

By |August 26th, 2019|Latest News, Puntland News|Comments Off

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo magacaabay Kooxda wacyigelinta ee Mahuran Band.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo magacaabay Kooxda wacyigelinta ee Mahuran Band.

Xeer Madaxweyne, Lr 65, ee 20ka Agoosto 2019, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Kooxda wacyigelinta ee Mahuraan Band.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland

 

Markuu arkay:                      Dastuurka Dowladda Puntland

 

Markuu tixgeliyey:                Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo.

 

 

Wuxuu xeeriyey:

 

Waxaa Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi loo magacaabay Guddoomiyaha kooxda wacyigelinta ee Mahuraan […]

By |August 21st, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off