Puntland State of Somalia – Abdi-Aziz Geelle




x.warfaafinta

About Abdi-Aziz Geelle

This author has not yet filled in any details.
So far Abdi-Aziz Geelle has created 92 blog entries.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Boosaaso Ku Sagootiyey Madaxweynaha Jubbaland

Boosaaso: 21 January 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, ka sagootiyey Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho ku joogay Puntland.

Madaxweyne Deni waxaa sagootinta Madaxweynaha Jubbaland ku weheliyey xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada […]

By |January 21st, 2020|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne ku-xigeenka Ahna Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Daah-furay Madasha Habeenka Haweenka Puntland.

Garoowe: 23 November 2019: Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Madasha Habeenka Haweenka Puntland, Madashan oo ah mid bille ah waxay haweenka Puntland uga hadli doonaan Ajendayaal loo qorsheeyay oo ku saleysan Doorka ay Haweenku ka qaadan karaan arrimaha Bulshada.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed […]

By |November 24th, 2019|Latest News|Comments Off

Madaxweynaha Puntland oo Qado Sharaf u sameeyay Goleyaasha Kala duwan Ee Dowladda Puntland:

Garoowe: 22 November 2019 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan Qado sharaf ah u sameeyay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland, kulanka waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Sii-hayaha Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane, Nuur Ciise Maxamed , […]

By |November 22nd, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Dekadaha Puntland oo la dhaariyey.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta goob-joog  ka noqday dhaarinta wasiiru dowlaha  cusub ee wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland Mudane, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo dhowaan xilkaan uu Madaxweynuhu u magacaabay.

Dhaarinta ka dib, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wasiiru dowlaha kula dardaarmay inuu si wanaagsan u guto shaqada […]

By |November 18th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hayádda ICRC ee Soomaaliya:

Garoowe: 17 November 2019 : Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hayádda laanqayrta cas ee ICRC oo uu hogaaminayo Madaxa ICRC ee dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya  Mr Juerg Eglin.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Madaxda Hayádda ICRC uga mahadceliyey […]

By |November 17th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya.

Garoowe: 16 November 2019 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Ben Fender OBE iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, […]

By |November 16th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweynaha Puntland oo Ambabixiyey Gurmad Puntland u dirtay Beledweyne .

Garoowe: 13 November 2019 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qeyb galay Xafladda Ambabixinta Gurmadka Puntland u dirtay dadweynaha magaaladda Beledweyne oo dhowaan ay waxyeelo kasoo gaartay fatahaaddii Webiga Shabeelle.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni waxaa xafladda lagu sagootiyey gurmadka loo diray Beledweyne, ku weheliyey xubno ka tirsan labada […]

By |November 13th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo furay Shirka Madasha Maamul Baahinta ee Puntland.

Garoowe, Nov, 05, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mundane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa furay madasha Maamul baahinta Puntland, taas oo uu u jeedadiisu tahay dardargalinta siyaasadda maamul baahinta Puntland iyo sidii loo dhammaystiri lahaa loona aasaasi lahaa Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladaha Hoose ee Puntland.

Furintaanka shirkan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey masuuliyiinta Wasaaradaha la shaqeeya […]

By |November 5th, 2019|Latest News, Puntland, Puntland News|Comments Off

Madaxweynaha Puntland oo Xariga Ka Jaray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble.

Qardho: 29 Oktoobar 2019, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi oo maanta booqasho ku yimi Magaaladda Qardho ayaa Xariga ka jaray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble oo lagu sameeyay dib u dhis iyo dayactir dhameystiran.

Madaxweynaha ayaa markii uu saagaray Xarunta Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble wuxuu Salaan Sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada halkaasi ku […]

By |October 29th, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ku dhawaaqay $200.000 oo Dowladdu ugu talagashay in lagu dayactiro Garoonka Kubadda Cagta ee Boosaaso.

Boosaaso, Oktoobar,22,2019, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta ka qeyb-galay munaasabad ciyaar saaxiibtinimo oo u dhexaysay labo naadi oo ka tirsan kuwa gobolka bari, qaar ka mid ah golaha wasiirada maamulka gobolka bari kan degmada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ku weheliyey madaxweynaha daawashada ciyaartaan oo loogu magac-daray is-dhexgalka […]

By |October 22nd, 2019|Latest News, Puntland|Comments Off